waa bulsho uu nololesheeda udub dhaxaad u yahay adeegsiga mishiinku ''Machine'' dhalinta tamarta heerkeedu sareeyo. wuxuu hayaanku socdaba waxay ku dabaysay maantana jira bulshada farsamo ahaan horumarsan ee loo yaqaan bulshada xogta ''information soceity''. bulshada caynkan ah iyana waxaa tiirdhaxaad u ah adeegsiga aalada kombiyuutarka ''computer''.
Ogsoonow,isbadal kasta oo ku dhaca heerka farsamo ee nolosha
aadamaha waxa uu wataa oo ku sidkan kiisa ruuxiga ah ee ku dhacaya fikirka
bulshda nolosheedu is badashay. Isbadalaka bulsho ee ku socda nolosha aadamuhu
waxa uu jeerkasta halis galiyaa oo u qoolan afkaartaq iyo falaada dhaqan iyo
hidde ee bulshadaa dhalan-gadoomaysa. Mararka qaarna saddex baabay noqdaanoo
kan caqiido ayuu saameeyaa. waa ka badh nolosha in ay bulsho isbadal samayso ha
ahaado mid togan ama mid tabane. Heer-kulka iyo baaxaadaga sare ee ka dhex
oogan gudaha nolosha bulshada meel ku wada nool ayaa qasbaya oo duduucaya in bulshadu laba hillin( togan ama taban)mid
qaado. Sida uu aadamuhu u noolyahay ayuu hab nololeedkiisuna naf u leeyahay oo
hadba marxalad ka gudbayaa mid kalena u hiigsanayaa. waxay ku doodaan iskuna
raacsanyihiin saynisyahanada cilmiga bulshadu 'socielogists' in isbadalka guud
ee ku dhacaya habnololeedka bulsho uu yahay mid faral ah oo dabciga ama geda
bani'aadamku uu sidaa u abuuran yahay. Is riixriixa iyo loolanka dhaqaaleed,
awoodeed, sharafeed ee ka dhex jira nolosha
ashkhaasta uu ka koobanyahya nidaamka bulsho ayaa holinaya ama suuraqgalinaya
isbadal guud oo dhamaystiran oo ku dhaca habnololeedka bulshado meel kuwada nool. Markaa bulsho
kasta oo kamida ama ka mid ahaan jirtay bushooyinka caalamka waa ina daanwayn
in uu isbadal bulsho ku dhaco, intuu doono ha leekaadee guud ahaan habnololeedkooda-
caqiidada, dhaqanka, caadada, fikirka , hidaha, farsamada, anshaxa dhaqaalaha,
aqoonta, qaranimada.
Sida qaalibka ah ee aynu ka miskeedin karno taarikhda
umadaha caalamka , isbadalka bulsho ee horumarrineed waxaa sal ama baroosinka u ah hadba heerka awoodooda farsamo
''Technology'' baaxad ahaan inta uu leegyahay. Mar uu ka hadlayay aqoonyahayn
W. W. Rostow geedi socodka casri noqoshada nolosha bulshada, waxa uu ku sheegay
aragtidiisii la baxday (Modernisation prospective) in geedi-socodka nololeed ee
casriyowgu uu maro saddex ilaa afar marxaladood oo is xigxiga- marxalada
dhaqanka, marxalada iska reebida dhaqanka,
qaangaadhnimada farasamada iyo kor u kaca waxsoosaarka sare. Sida
muuqata geedi-socodka u xuubsiibadka nolol casri ah waxa lagu soo ururin karaa
afartaa marxaladood. Marxalada koobaad aqoonayahan Rostow waxa uu ku doodayaa
in hirdan culusi uu dhex maro dhaqankii iyo hidihii ay bulshadu ka dhaxashay
awoowayaashood iyo dhaqanka farsamo ee casriga ah ee bulshadaa ku soo kordhay; dadku
waxa ay u xusulduubayaan in ay la dagaalamaan wax allaale wixii ay wadato
farsamada casriga ah waa markay ka gudbayaan marxalada koobaade. Waayo inta
badan ma fududa in ay bulshadu judhiiba qaayibto mabaadiida iyo haykalka
nololeed ee nololsha cusubi walwaalayso. Aragtidan aqoonyahayn Rostow waxaynu
ka dhex masanuunin karnaa in bulsho kasta oo ka mida bulshooyinka caalamku si
katooy ugu dhaganaato habnololeedkeedii dhaqan ee soo jireenka ahaa ay aakhirka
ku dabayn karto in ay ku dhex millanto oo qaadato nolosha cusub ee ay wado
farsamada casriga ah ee ku soo biirtay habnolloleedkoodii.
Dadka soomalida ee ku nool geeska afrika waa bulsho ka mida
bulshooyinka farsamo ahaan, aqoonahaan iyo nolol ahaan ba ugu dabeeya caalamka.
Waxaa lagu sifeeyaa in ay ka mid yihiin dadyowga ku jira marxalada koobaad ee
aragtida casri-noqoshada (Modernisation prospective). waxay in mudo ah la
daalaa dhacayeen iska caabinta dhaqano iyo habnololeedo qallaad oo wadamo
shisheeye ka soo weeraray. Iska caabintani mahaa mid mawduuciya oo hanaan la
bilkeeday ama falsafad hufan ku dul dangiigta. Hayeeshee, waa mid uu gadhwadeen
ka yihiin dhaqan iyo afkaar isbadal nacayb uun ah oo aan yool iyo itijaah SUGAN
toona lahayn. Waxaa taas u wahelisa in
qaybo ka mid ah (Somaliya) aanay lahayn haykal dawladnimo. Dagaalada iyo dhibta
ka taagani kama hor istaagi karto in isbadalka caadiga ah ee bulshadu uu ku
dhaco bal e’ waxa uu u sahlayaa oo u dayacayaa in isbadal xoogani ku dhaco
dhaqankooda nololeed; in marqudha sidiiyoo qabar ku dhacay, la waayo nuxurkii
iyo isirkii dhaqan ee umada.
Dhaqanka nololeed ee somalida waxaa ku socda isbadal ayna
dadka badankisu dhaadanayn. Isbadal maaha kaniye waa tirtirid iyo baabah ka
yeelid dhaqan-nololeedkii bulshada somalida. Waa dhallan-gadoon baahsan oo saameeyay
umadnimadii- dhaqankii, diintii, taariikhdii,anshixii,suugaantii,si aragii,
hidihii,siyaasadii,jinsigii,ciroolihii, caadadii caruurtii iyo guud ahaan
karaamooyinkii nololeed ee somalida. Dadka somalidu waxay soobir ka yihiin
curinta farsamo cusub oo ay kaga kaaftoomaan dhibtii noloshii hore iyo abuurida
dhaqaale sal u noqda noloshooda iyo ayotiinka dabe ba. Si ay labadaa shay u
haybiiyaan waxay door moodeen uugaan ay u hayaamaan dhulal iyo dad qallalood oo
ayan habeen wadaagin. Cagtu joog ma laha ka soo rayn ma laha waabay ka sii daraysaa.
Dhulka, circa iyo badaba waa lagu safraa hadda si loo beegsado dhul qallaad oo
fog. Waa mid gar ah in aadamaha ay somalidu ka mid tahay raadiyo nolol tan uu
ku jiro dhaanta. Hayeeshee waa in uu suuro galinta iyo sargoynta noloshaa la
doorbiday wax ku yeeshaa. Haddii kale hurumarku wax ba ma dhaamo qof is dillay.
Dhuyaalkan ay noloshu dadka somalida ku qasabtay, ogow waa gawracii iyo
geeridii umadnimada iyo dadnimada dadka afka somaliga ku hadla. Waayo kan
cagihiisa ku dhuyaalay (faca maanta) waxa uu u afduubanyahay oo uu dhex amban karaa si fudud dhaqan aanu ehel u
ahayn talagalna ka lahayn, ka uu ku dhalidoonaanna (faca bari) waxa uu u
dayacan yahay dhaqan iyo hide shisheeye oo uu ku indho dilaacsaday unna qabo
kii sii rumaad. Isbadaka hab-dhaqan-nolloleedka umadnimo ee dadka Somalida iyo
qayrkoodba maaha mid ay dadku baajin karaan, ee waxa uu yahay mid la dhimi karo
xawliga uu ku socdo iyo aafada lafjabinneed ee uu ku yeelan karo umadaa uu ku
socdo.
Ilyaas
amiircarte@gmail.com
maansha Allah xaqiiq waa qormo dhab ka hadal ah oo qof kasta oo Akhriyaa dareemi karo hal muceedkeeda ama hab qoraalkeeda hadba dhinaca aad ka dheehato kuu dhiibayso dhinacii kale qoraaga da,da yar ilyaas cabdi carte wuxuu soo bandhigay kartidiisa u saamaxdey in uu noqdo qoraa waliba da,ahaan aad u yar maskaxdiisana ay ka soo burqanayaan hadalo wacdarahooda wata oo aad moodo in uu rug cadaadi wax badan oo nolasha ka jira ama goob joog u ahaa in uu xardhay. ilyaas waxaynu odhan karnaa wuxuu ilaahay hibo u siiyey maska (brilliant mind) maansha Allah
ReplyDelete