Aragtidii
Cabdi Bawbaw ee hurumarinta hab-dhaca jaanta ee muyuusiga Soomaalida. Qormadii
2aad;W/Q Ilyaas Cabdi Carte.
Inkasta oo rag badan ay dadaaleen oo ay isku dayeen
in ay hurumariyaan fanka somalida haddana laaxin wayn iyo dayac aqoon la’aan ah
ayaa ku habsaday kaalinta muyuusiga Somalida. Kootarabaanintii guud ahaan fanka
Soomaaliga ah ayaa wuxuu sababay in qalladaad wayn uu gallo curintii iyo
tumistii muyuusiga somalidu. Wax ay xalin karayeen muu ahayn C/laahi Qarshe iyo intii la da’da ahayd ee
markaa ka ag dhawayd muyuusiga Soomaaliga ah iyo curashadiisiiba. Sababtu waxay ahayd saddex arimood
1. iyaga
oo aqoon xeel-dheer oo cilmiyaysan u lahayn farsamada muyuusiga oo kaliya
waayoaragnimo aan buurnayn u adeegsanayay alifida miyuusig Somali ah
2. bulshadii
wakhtigaa oo ahayd dad aan u habaysnayn ama
aan wacyigoodu gaadhsiinayn ba heer fan iyo masrax oo fankii ku noqday
shar iyo wax laga diqoodo.
3. Muyuusig
soomaali ah oo aan habayaraatee markaa aan jirin oo intii curintiisa ku
hawlanaydna kaliya ay ka soo dheegan jirtay codadka muyuusiga ay curinayaan
muyuusigyo kale oo dadyow kale lahaayeen.
Nasiib darooyinka fankeena ku habsaday ee dadka aqoonta u leh ilaa
maantadaa aynu joogno qalbi-jabka wayn ku abuurtay ayaa ah in dhamaan
fanaaniinteena oo dhan aanu jirin hal heesaa
oo hal god (Rhythm) ka heesa! Midkiiba wuxuu rabaa in uu ka heeso am ka
curiyo muyuusigiisa godod kala wada jaad ah. Tusaale, fanaanka caanka ah ee
reer maraykan Michael Jackson wuxuu cimirigiisii ku qaatay oo lagu yaqaanay
hab-dhaca muyuusiga ee loo yaqaan pop ka. Lama arag Michael oo ka heesaya
hab-dhac muyuusigga ee loo yaqaan Reggae
ga ee uu ku caanka ahaa isna Bob Marley. Naxdimaha kale ee dihin ee haysta
fanka muyuusiga Soomaalida waxa ay tahay in ay dhif iyo nadir tahay in aad
aragto ama aad la kulanto fanaan heesaa ah oo kuu sheegi kara heesta uu
qaadayaa godka (Rhythm) ay tahay ee laga
soo falkiyay! Ma jiro wiil iyo gabadh ba mid sidaa yeeli karaa.
Dhaliilaha baaxada leh ee haysata ama ku foorara
kaalinta curinta iyo hurumarinta muyuusiga Soomaalida waxay ay tahay aqoon
la’aan baahsan oo ku jiifta fanaanka Somaliga ah. Gabi ahaan fanaaniinta
Soomaalidu ma bartaa aqoonta muyuusiga. Waa caado la isla wada og yahay. Fanka
heesaha waxa ay u yaqaanaan uun masrax si qaab-daran la isu soo taago oo
dabadeed wax si qiyaas ah ku yimid la dareeriyo oo lagu sheego hees. Sidaasay
ku soo caano-maaleen ilaa maantaddaa aynu joognana ay rabaan in ay ku sii
maamulaan masraxa Somalida.
Sida ay dad
aqoon cilmiya u leh muyuusiga oo in bandanna ku soo shaqeeyay aqoonta muyuusigu
ii sheegeen, nooca muyuusig ee loo yaqaan Heellada farsamo ahaan waa kuwo uu
shirabi karo oo buuxin kara shuruudaha aqooneed ee qaacidiyoonka u yaala
muyuusiga. Hadii ay miisaamaan raga aqoonta u leh muyuusig cod la tumay oo Heello
ah way dheeli-tiran tahay; way shirabi kartaa qaacidooyinka aqooneed ee
muyuusiga caalamiga ah. Laakiin hadii la miisaamo cod ka mid ah codadka loo yaqaan
Heesta oo iyagu ah kuwii ka dambeeyay Heelladu ma shirabayso ama ma buuxinayso
farsamo ahaan qaacidooyinka muyuusiga caalamiga ah u degan. Waxaa wax lala
yaabo ah iyadoo aqoontii sii korodhay fankiina la sheego in uu sii horumaray
waxa aqoon ahaan saxay Heellada oo sanado badan ka horaysay Heesta ee Heestii
na laaxin geliyay qaacido ahaan xeerarka aqoonta muyuuisiga! Ma dib u dhac baa
mise waa hurumar? Waxaan aqabaa in ay tahay dib u dhac wayn oo haysta ilaa
allaankaa aynu joogno curinta farsamada muyuusiga Soomaalida.
Hadaba, taariikh ahaan C/laahi Qarshe dabadii ma la helay cid sii
kobcisa oo iin-tirta muyuusiga Soomaaliga ah? Inta laga ogyahay cid si
abaabulan isugu hawshay arintaa ma jirto oo aan ka ahayn ashkhaas si suka ah iskugu
dayay in ay hurumariyaan muyuusigooda mooyaane. Cabdi Ibraahin Geedi (Cabdi Bawbaw) wuxuu ahaa nin u ciil qabay
sidii uu mar uun u horumari lahaa
muyuusiga Soomaaliga ah iyo fankiisuba. Had iyo goor, ka muusiishan ahaan wuxuu
ku hawlanaa horumarinta curinta muyuusiga iyo jaanta (Teembo) heesaha
soomaaliga ah. Arintaas ayuu u go’adoomay oo naftiisa u huray. Qof ahaan wuxuu ahaa nin habdhaca luuqda
qaybaheeda kala duwan xuleen oo dhiigiisa ku abuuran yihiin. Xisiihii sida
daadka oo kale u rogmanayay ee uu u qabay curinta iyo tumista muyuusiga waxay ahayd mid aan qarsoonayn oo la arki
karayay. Laakiin awoodiisaa hibeed ee uu lahaa lagama faa’iidaysan.
Aan soo qaato sheeko dhab ahaan u dhacday oo tusaale
u noqon karaysa jacaylkii waalida ahaa ee uu Cabdi u qaaday xirfada muyuusiga.
Maadays fanaaniin uu ka mid ahaa Cabdi Bawbaw ay sideen ayaa laga dhigay masrax
ku yaalay magaalada Djibuti. Markii barnaamijkii lafurayay ayaa xidhiidhiyihii barnaamijku makarafoonka ka sheegay in uu caawa dadwaynahay
masraxan uga heesi doono heesaagii cabdi Bawbaw. Dabadeed aad bay u qaylyeen
dad waynihii daawanayay barnaamijku iyaga oo leh na tus oo raagsanaya in ay
arkaan fanaankii ay jeclaayeen ee cabdi. Way raagsadeen. Markii daawatadii
aamusi waayeen ee ay u foodhyeen ayaa cabdi loo yeedhay. Isagoo sidii caadadda
u ahayd sita guiter kiisii ayuu Masrixii soo istaagay . Inta uu cod-dheer iyo
gacanta oo uu lulayo ku wada salaamay
dadwaynihii goobta joogay ayuu habeenkaa yidhi laba erey oo uu dadka ku
tusaalaynayo sida uu ugu go’ay muyuusiga gaar ahaan aalada guiter ka. Habeen
kaa wuxuu yidhi; hadii hebel (isagoo
magacdhabaya ragii fanaaniinta ahaa ee ka dambeeyay qaar kood) heblaayo la boxo …. Oo hebelkaa kale heblaayo
la baxo (sheekaystaan) oo kaa kale heblaayadaa kale la baxo (sheekaystaan ama
isjecelyihiin ) Anigu kan (guitar) ayaan la baxaa (sheekaysanaa ama isjecelnahay)! Ereyga la
baxo waa erey ay reer Djibouti u isticmaalaan wiilka iyo gabadha wada haasaawa
ee jacayl ka dhexeeyo.
Cabdi sidaas ayaa ka dhab ahayd sida uu wakhti iyo
tamarba uu ugu bixin jiray fahanka aqoonta balaadhan ee muyuusiga si uu u
hurumarin karo muyuusiga Soomaaliga ah. Si xoogan ayuu u aaminsanaa in hurumar
balaadhan lagu sameeyo muyuusiga Soomaaliga ah. In muyuusiga Somaliga ah noqdo
mid xiiso iyo soo jiidasho wayn abuuri
kara waxay ahayd aragti uu Cabdi isku qanciyay. Dhaliishaa Cabdi gama’a u
diiday inta badan mabay dhaadanayn fanaaniinta Soomaalida gaar ahaan kuwa
muyuusiga tuma. Bulshadii uu cabdi wakhtigaa ku dhexnoolaanaa waabay ka sii
darnaayeen oo mabay fahansanayn garaadkooduna muu gaadhsiisnayn heerka garasho
ee Cabdi iyo intii la aragti ahayd wakhtigaa. Isbadaladii la saadaalin karayay
ee uu keeni karayay Cabdi waxaa isku gudbay oo hagaasiyay bulshadii oo la garan
wayday amaba awood u yeelan kari wayday in ay arkaan waxa uu Cabdi arkayay ama
u muuqday. Dhacdooyin badan oo u muuqan kara in ay cabdi iyo afkaartiisa
niyad-jab ku keeni karaan ayaa ka hor yimid waagaa.
Bulshadii waagaa waa sanadihii bilowgii
toddobaatanaadkiiye, waxay dhagtoodu la haysay kaliya in ay maqasho sidii hore
ee loo heesi jiray ee ay ku soo ababeen. Heesihii la jaadka ahaa heeskii Tufaaxaan
tirsaday oo kale ayay dhadhan iyo damac gaar ah u lahaayeen. Si kale oo cusub
waxay ku noqotay wax aanay liqi Karin. Cabdina sidii hore si ka duwan ayuu
rabay in uu u dhigi karo fanka muyuusiga Soomaaliga ah. Wuxuu isku dayay in
iyadoo awooda masraxa fanaanka heesaaga ah la sii horumarinayo in la heli karo
iyana muyuusig hab casriyaysan loo tumay oo hab-dhac dhadhami og leh ay maqli karaan dhagaystaha ama
daawaduhu. Waa isbadal sal iyo baar ah oo ay tahay in uu ku dhaco masraxa
goloofta noqday ee soomaalida. Kolkan Cabdi Bawbaw wuxuu si toos ah uga
duulayay aragtidii odhanaysay goormaa la heli
doonaa hal fanaan heesaa ah oo Somali ah oo kalidii madadaalin kara
kumanaan daawadayaal ah oo si shucuur macaan faneed leh u qancin kara. Waa riyo
wali uu maantaddaa aynu joogno uu ku riyoonayo masraxa Somalidu. In la heli
fanka noocaas ah iyo in kalena waa gacan
uurku jirta. Laakiin aniga walba qof ahaan iima muuqato sabab suuragalin karta
mustaqbalka dhaw fanka noocan ah oo kale.
Ilyaas
No comments:
Post a Comment