Saturday, February 13, 2016

Aragtidii Cabdi BawBaw ee hurumarinta hab-dhaca jaanta ee muyuusiga Soomaalida. W/Q Ilyaas Cabdi Carte.

Cabdi Ibraahim Bawbaw waa musician ka mid ah hurmuudka tumista muyuusiga Somalida gaarahaan kan Djibouti. Waa boqorada ugu xariifsan tumista aalada guitar ka ee masraxa somalida. Waa raga tirada yar ee loo aqoonsan yahay in ay guitar ka kaga hadlin karaan sida ay doonaan. Waa fanaaniintii hore ee Djibouti. Cabdi waxaa si gaar ah loogu xasuustaa kacdoonkii muyuusig ee ka dabqaadanayay goddadka jaanta sooca ah ee somalida ee ku xidhmayay noocayada muyuusig ee blues ka iyo country Music ga reer galbeedka. Kacdoonkaa waxaa ka dhashay heesihii caanka noqday ee Caaray iyo Buuraha Jinka! Asal ahaan Cabdi Wuxuu ka mid ahaa dadka tirada yar ee ku xaragooda marka ay taagan yihiin masraxa; muusiga gole-joog ayaa u dheeraa.  Alle ha u naxariisto Cabdi Ibraahin Geedi  ‘’Cabdi Bawbaw’’.  


Waxaa hubaal ah in fanka Cabdi Bawbaw aanu la jaad ahayn marnaba saxiibadiisii dhigiisa ahaa ee Djibouti ama Soomaaliya. Qof ahaan wuxuu ahaa mid ka horeeya fanka la da'ada ah ee Soomaalida. Mar walba waxaa ka go’anayd Cabdi in fanka Somalidu  si quman ula jaanqaadi karo dhigiisa umadaha kale gaarahaan kuwii hurmuudka ahaa ee reer galbeedka. kartidiisa faneed waxay gayaysiisay Bawbaw in uu la jaanqaadi karo masraxyadii kale ee aan ahayn kuwa soomaalida. Bawbaw waxa uu la kulmay facii saddexaad (Third generation) ee nooca muuyuusiga ee loo yaqaan Country Music oo markaa dunida daafaheeda saamayn xoogan ku yeeshay. Taxanihii Cabdi Bawbaw ee in la helo qaab muyuusig Somali ah oo la mid ah oo lagaga maarmi karo Country Music ga Maraykanka waa halkaa halka uu ka bilaabmayaa. Sidoo kale fan ahaan wuxuu u muuqday Bawbaw mid ay saamayn fog ku yeesheen guudahaan habdhaca-luuqda reer galbeedku .laakiin waxaa la yaab lahaa sida xeeladaysan  ee uu tiirdhaxaad uu uga dhigan jiray hab-dhaca-luuqda ee godadka hees ciyaareedka iyo hees hawleedka Somalidu.  Midho iyo hanaan la dhagaysan karo oo soo jiidan karayay dhagaha bulshada Somalida ayuu masraxa la yimid wakhtigaa. Aad bay u saamaysay intii nasiibka u heshay fanka noocaas ah.

 Inkasta oo uu nooca fankan ee uu la yimid Bawbaw ay  dadka intii markaa reer magaalka ahayd aad u saameeysay haddana waa xaqiiq ah in uu bulshada Somalida guudahaan uu raad kaga tagay. Maanta oo sanado badan ka soo wareegeen wali ma duugoobin qaab-heeseedkaas Bawbaw! Ujeedadiisu Bawbaw,waxay ahayd waagaa sidii dhagaha soomaalida gaarahaan kuwa reer Djibouti looga soo jeedin lahaa xiisihii isagu is waday ee ay u qaadeen Muusiga reer galbeedka gaarahaan Country Music ga oo wakhtiga si wayn loo xiisaynayay. Ka fanaan ahaan Bawbaw wuxuu awood faneed u lahaa in uu iibin karayay nooca fankan uu la yimdi ee markaa dadka reer Djibouti ku cusboonaaday; xiise iyo xamaasad soo jiidasho leh ayuu xirfad ahaan u geliyay bulshada nooca fankan ee cusub. Codkiisii, Golojoogiisii, farshaxanimadiisii iyo awoodiisii ka giitaariistenimo ''guitarist'' ayaa soo shukaamisay qalbiga dad badan oo jabuutiyaan ah oo wakhtigaa joogay.Heesaha uu ugu soo gabaday nooca fankan waxay isugu jireen kuwo jacayl ah iyo jacayl wadani sarbeeban ah.
Dhanka kale kali ayuu ku ahaa hanaankan muyuusig. ma jirin dhanka masraxyadii waa waynaa ee Somaliya cid ku dhiiratay nooca fankan oo kale. hadii laga tagi way jireen hab-faneed Somali ah oo loogu talogalay qoob-ka-ciyaarka oo durbaan kululaa. Laakiin midho ahaan macno sidaa u buuran ma uu lahayn. Waxaa malaha aan la ilaawi karin heesaagii Shariif Cabdale ee reer Somaliya oo sidaa Bawbaw oo kale la yimid hab-faneed gaar ah oo uu u heesi jiray. Habkaa Shariif waxaa somaliya looga yaqaanay Saar.Waxaana si kali ah ugu caan baxay fanaankii Shariif Cabdle.

Cabdi muyuusigiste oo qudha ma ahayn ee heesaa cod macaan oo masraxiyad  leh ayuu ahaa. Heeso badan ayuu ku qaaday  oo si wanaagsan ugu luuqeeyay. Noociisu aad buu ugu yaraa masraxa Somalida guud ahaan.  Waayo Cabdi wuxuu markasta fankiisu ku shuqlanaa in farsamada masraxeed ee masraxyada tis-qaaday ee reer galbeedka wax laga soomaaliyeeyo oo lagu dabaqo masraxa somalida iyadoo aan dhegta iyo sharafta masraxa Somaliga ah  aan wax loo dhimayn.  Taasi waa mida u yeeshay xiisa gaar ah fankiisa. Kolka uu isa soo taago masraxa ee uu heesayo inta badan guitar  kiisa wuu sitay.  Heesaa buu ahaa  guitarist ah oo masraxa kolka uu ka heesayo isala soo taaga guitar kiisa  oo awood u leh in uu  kol qudha  waxna tuma  heesna ku luuqeeyo! Sidaasi waa sida qaalibka ah ee masraxyada kale ee aduunka had iyo goor ka dhacda. Laakiin inta badan kuwa Somalida sidaasi laguma arki jirin.

Waxaa dad looga qaateen ah ii sheegeen in uu AHUN Bawbaw had iyo goor isku dayi jiray in uu horumariyo oo uu casriyeeyo gododka ciyaaraha ama maansadda Somalida. Hab faneed casri ah oo la dhagaysan karo ayuu u dhigi jiray. Godod duugoobay oo qarka u saarnaa in ay lumaan ayuu dib masraxa casriga ah ugu soo celiyay oo dib si xiiso leh loo dhagaystay. Waxaa xusid mudan sidii Bawbaw uu ugu xaragoon jiray marka uu qaadayo heesahaa uu ka soo falkiyay gododka Somalida. Waxaa muuqaal cajiib ah oo aan wax loo dhigaa jirin ahayd marka uu labada adin intuu kala fogeeyo oo isagoo weedhaaminaya guiter ka uu cod la xadanto badan uu tumo! waa tookh faneed cajiib ah oo carwo oo kale ah. Xaragadaa Bawbaw waa ta hirgelinta hanaankan qayb wayn ka qaadatay ee dhalinyarada soo jiidatay.

Wakhtigaa Cabdi si wayn ayuu ugu guulaystay isku daygiisii ahaa in uu ka hortago oo uu waliba si u dhiganta uga hortago saamaynta uu yeelan karayay Country Musiga reer galbeedku ee walwaalayay dhaqankooda.Dhalinyaradii wakhtigaas waxay u bateen kuwo ku xidhan heesaha Cabdi Bawbaw. Sidaa dartee isana fariintii fankiisaasi oo ahayd in dhalinyarada loo casriyeeyo dhaqankooda si ay u bartaan ayuu meel mariyay oo uu ku guulaystay.

Wax-soos-saarkaa Bawbaw ilaa maantaddaa la joogo waa mid aan duugoobin oo ay ka muuqato hadii aad daawato ama dhagaysato ilbaxnimo iyo Somalinimo aan gudhayn. Maanta oo la yidhaa fanaanka Somaliyeed wuxuu ku daydaa fanaanka Maraykanka ah ee iyo masraxiisa, ma soo saari karo intii uu la gole yimid Bawbaw! Waayo fanaanka maantu waa mid gabi ahaanba u haraadan masraxa reer galbeedka oo aan dhugmo iyo aqoon u lahayn hab-dhaca muyuusiga ee ku jira gododka suugaameed ee Somalida. Waxaan marna la iloobi doonin saamayntii waynayd ee uu ku yeeshay curinta faneed ee uu waagaa la yimid Cabdi Bawbaw saamayntii baaxada lahayd ee ay ku yeelatay dunida fanka Djibuuti.  Dabadii boqolaal dhalinyaro ah ayaa isku daygaa Cabdi sii amboqaaday. Hadii aad u fiirsato shalay iyo maanta fanka heesaha Djibouti, waxaad si muuqata uga dhex arki kartaa laxano iyo heeso u dhawaaq dhaw hab-dhaca-muyuusiga reer galbeedka iyo ka afrika oo qaab Somaliyaysan loo tumay. Dhadhan iyo sumad ka gaar ah ayuu runtii leeyahay. Saamayntaa waxaa la kawsaday fanaaniintii ahayd facii ku xigtay fan ahaan Bawbaw sida Cumar Aadan Dugsiiye iyo kuwii ka dambeeyay oo aynu ka xusi karno fanaanka dhalinta yare e Xabad iyo sidoo kale Cawaale.

La soco Qaybta labaad.

Ilyas C. Carte

No comments:

Post a Comment