Sunday, April 3, 2016

Dabra weerarkii Jacaylka iyo Jirabkii Maxamed Cali Kaariye. W/Q Ilyaas Cabdi Carte.

   Waa Maxamed Cali Kaariye. naftuu u yaabay;waa gurdan-socod; baladda eryannaysaa waa Jacaylkii oo midiyo dhiigleh walhinaya. Waxaabu ku dhawyahay in uu naftiisa sahaydo. Firxadkii Kaariye mar si quus ah ayuu buulkiisa dan mooday oo intuu doc kuududsaday ku dhuuntay. Badbaado iyo caynaano ayuu rabaa; kuye, ‘’hadaanan baalyooy buulkayga kaa gelineey’’

   Intaa kuma daysane, Bisinkuu xijaabtay oo si farshaxanimo leh isugu dayray; oo waa kii lahaa Bisinkana xijaab odhaneey, Bidhaantay aad waydide, bismilaahi raxmaani raxiim’’ Mar kale, sheekh Abaadir buu ku tawasulay oo waakan awliyadii cuslayd sharka caashaqa ka irkadday. waa kii lahaa biyo idam ilaahay iidaan kii ka dhigayow Abaadirow soo ururi caashaqa!

  Mar kale wuxuu ku tallamay in uu buur ka fuulo; i bixiyow i bixi buu ku jiraa;waa la lagu dabajiraa, colkii jacaylkaa baacsanaya. ‘’Birmadkii kalgacalkow, hadii aanan kaa baqanneey, buuro aanan kaa korinneey’’.  fanto dishay armuu kuu soo fantaa bay ku tidhi naftii. waakan cagaha maalay; waa seeraar. Badaha waawayn buu rabaa in uu lug ku jiidho qaarad ilaa qaarad.  nasiib darose shaw muu ogayne adimadiisu orodkii bay gaabsheen; kadle mooyee orod kale iska waa'. Belo, iyagiina uu aamin waayay. ! Uur-ku-taalladii waa kan ku cataabay Hadaan baaxad leeyahay,  Badda saw ma jiidheen, hadaan baaddad leeyahay, bari saw ma duuleen! Uu yar fakaray, si uu uga fakado wuxuuba damcay in uu ka fuulo Buureeeqadii bari nabigu fuulay! waakan leh ama Bureeqadii bari Nabigu fuulaan balse i qaad odhan! Waanse la helayn baa lagaa yidhi Bureeqa; ka samir.

   Iska socoy. Wuu sii gunuunucayaa. wuxuu leeyahay oo uu iskugu callool adkaynayaa: Aduunyadan galgaladka ah, ee gaafaha nabsigu wado,rag baa goobxun waligii gabogabo fadhiistee, inkastoo la gaado laga gacansareey, geesiguu ma liicee, gami maayo ruuxii, goob abboodi seexdaa! Laakiin runtu waxa ay tahay in uu quus joogo; wuu is ogyahay. waakan haddan isaga oo caga jiid ah oo socoda xidh kayn ah ku hadaaqaya: Xagan gabi xaguna gabi, gudcur daaha soorogay, gaashaanqaad habaabiyo, gulufkoo dhulka u siman, gurmadkaygu weeyoo, geedahan baan ka baqayaa, goormaan socdaa, xagaan gaadhi karayaa! Isaga oo luun gawracay daal kax ah laamadoodso is yidhi meel halkan ah; oo miyuu hurdo dhakoolayaa , iska kac isagoo leh Boholyowga caashaqu , siduu ii bariisaday, baaxaadag mooyee, hurdo kuma bariistee, Ban-joogtiyo ugaadhiyo, Baroordiiq shimbirahaa, igu soo bariidshee!

   Jidkuu soo maruu sidaa u jeedaaliyay. Wuxuu dareemay in colkii jacalku ay ku raadjoogaan oo uu ku soo aadan yahay. Halkan ba ku dhuumay ku tidhii naftii quusta ahayd; si habaqle ah waakan nafta la beegsaday gabood yar  uu ku yar dhuunto; waa meel duur ah oo kayn ah. geed sare iyo mid hoose waa jiq.Halkii buu huluushay oo ku dhuuntay. May may, jacaylkaan waxba ka qarsoomin arkay oo soo dhufay dacalkana soo jiid. Maxamed uu la yaab halku bahalku ka soo saaray. kuye: Kayn libaax ilmaha dhigo, anigoo ku dhuuntuu  iga soo dhex saaree , dhaayihiisu furanaa, ma dhal awliyaad baa! wuxuuba uga shakiyay in uu jacalkuba laambad leeyahay oo sir ka haysto burhaantii awliyada.

  Diyaaradaha dheereeya fuul oo ka baxso dee ayuu ku tallamay. dhul shisheeye iyo ballad fog buu diyaradaha duula ku tagay si uu uga baxsado. waad ka fakadatay buu is yidhi, mise qoodh iyo xero, waa kan daba socda ee ag jooga! muxuu tollow soo raacay? yaa waday? goormuu yimid? bal adba! Maxamed waa kan ku cataabay intuu quustay: Waaban soo dhaqaaqee, dhiiranaa il adagaa, dhabaha uu ila soo maray, dhawr habeen diyaaradi, meel ay u dhixibuu, dhakhso iigu yimide, dheereeye maxaa siday!!

  Waa loo quus gooyay ninkii Kaariye. Wuxuu intaa ku kabay markuu  amakaakay: Wagaray wagar! Jacayl waallan waa kan!!  Tallaa ku caddaatay oo quusay. Soo dabac oo  maslaxaad iyo ladqabo waakan ku dayaya; wanwaan jacayl buu waddaa! kuye dhar u goo oo macawis iyo go’a-shaal ah ku muunee oo intaad u mahad-naqdo waxoogaa xaqal-jeeb ah na u laab, duumo xaaqday hayskaba tagee. Kalgacaylkan igu mudan maal hadii aan siiyoon, oon macawis iyo shaal, dhar ku muunadeeyo, maamuus u sooro, oo aan u mahadnaqo,markaan soco idhaah tolow mayga tagayaa? a aaah! waddaadkii shakaa galay; wuxuu ogyahay in aanu bahalku waanwaan lahayn. iska dhaaf laaluush e’ wuu ogyahay in aanu bahalkaasi abhis iyo wacditoonna aanu ku tagayn.

  U dambayn wuu is-dhiibay oo jacaylkii buu u gacan galay. Wuxuu door mooday in uu adoon u ahaado jacaylka oo uu ka shaqeeyo beerta jacaylku leeyahay halkaana ka dhex baroorto oo uu yidhaa Allaa i baday jacaylka. Waakan si taag daran intuu u fadhiistay madax saaray jilbaha ee leh: Baroortiyo xiisahaan isku baanan doonaa, beertuu igu xareeyaan,ka dhex baaqi doonaa, Ubax baar casuus laan ku dhex beeri doonaa!!!!!
Ilyaas.


No comments:

Post a Comment