Tuesday, November 24, 2020

Cali Dheere: Nabeeddaana Muudsoo Naa maxaad tidhi! W/Q Ilyaas Carte




Cali mar waa Cali Dheere, markaad la kulantana waa Cali Gaab mar kalena waa Maxamuud Jaamac Diiriye oo dadka in yari u aqoonsan karto amaba u taqaan. Cali wuxuu ku caan baxay magaca Cali Dheere oo ahaa naanays. Sida naanaystiisii uu ku caanamaalay ka muuqata Cali ma ahayn nin dheer. Hayeeshee wuxuuba ahaa muuq ahaan nin gaaban oo jimidh yar oo lugna ka dhitiya. Sidaa daraadeed isma ay lahayn naanaystiisa iyo aragiisu. Naanasyta Cali Dheere waa mid loogu qarinayay ama quusinayay gaabnidiisa. Maadaama uu ahaa nin aad u kaftan badan oo leh shakhsiyad furfuran waa ay u badan tahay inuu qudhiisuba naanaystiisa u baxday uu qayb ka ahaa bixideeda. Cali Dheere oo magaciisa saxda ahaa uu yahay Maxamuud Jaamac Diiriye waa hoobaladii hore kuwii u sii horeeyay. Waa hoobal ka mid ahaa kooxdii caanka ahayd ee Wallaalaha Hargaysa. Dabcan waana aasaasayaashii kooxdii fanaaniinta ee idaacada Radio Hargaysa ee bilawgii fanka casriga ah ee Soomaalida.

 Kooxdaa fanaaniinta ee Radio Hargaysa waxa ay ahayd koox martay heerar kala duwan. Tiro ahaan iyo tayo ahaanba waxa ku dhacay isbadal weyn. Mararka qaarkood kooxda waxa laga saaray hoobalo waawayn oo udub dhaxaad u ahaa marar kalena waxaa ku soo biiray hoobalo cusbaa oo markii dambe magac weyn ku yeeshay fanka soomaalida. Tusaale ahaan 1959kii waxa kooxda laga ruqseeyay oo xabsigana la dhigay hoobalkii weynaa Kuluc iyadoo markaa lagu xidhay heeskii gobanimodoonka ahaa ee “Yaa ila gambiya gumaystaha” ee uu ku qaaday Soodkii qaraamka ahaa ee Ciil. Wakhtigan waxa halkii Kuluc lagu badalay oo soogalay fanaankii Maxamed Yuusuf Cabdi. Sida uu mar aanu ka waraystay Xasan Maxamed Yuusuf ii sheegay Kooxdaa fanaaniinta ah ee loo qaatay Radio Hargaysa waxa ay isugu jirtay heesaa, mu’alifyo iyo muyuusigistayaal sidoo kalena waxa ay ka koobnayd rag iyo dumar. Waxa aanay kala ahaayeen sidan: 
 1. Maxamed Axmed Kuluc 
 2. Cisman Maxamed Cabdikariin (Gacanlow) 
 3. Shamir Abokor Ismaaciil (Guduudo)
 4. Sahra Iftin 
 5. Nooleeya
 6. Faadumo Cabdilaahi Maandeeq 
 7. Saxardiid Maxamed (Jabiye) 
 8. Xasan Gidhin
 9. Maxamed Yuusuf Cabdi  
10. Cabdilaahi Qarshe
 11. Maxamed Siciid (Gurroonjire) 
12. Maxamed Nahaari-Musician iyo Mulaxin
 13. Xuseen Aw Faarax Dubad 
14. Cali Sugule
 15. Cali Fayruus-Musician iyo Mulaxin 
16. Cali Dheere- Musician, Jilaa iyo Mulaxin
 17. Cabdilaahi Xamari-Foodhidu tumi jiray oo caan ku ahaa
 18. Cumar Maxamuud Cali (Cumar Dhuule)
 19. Ismaciil Cabdi Gerri (Ismaaciil Yare)

 Cali Dheere oo kooxdaa ka tirsanaa oo markii dambena bud-dhigayaashii kooxdii waaberi ka mid noqday wuxuu 1931kii ku dhashay magaalada Cadaadlay ee duleedka bari ee magaalada Hargaysa. Halkaas ayuu ku barbaaray kadibna wuxuu yimid oo uu fanka ka bilaabay magaalada Hargaysa. Sida uu sheegay marar badan oo la waraystay, ka hor intaanu fanka gelin, wuxu ahaa nin saarey ah oo jecel ciyaaraha. Ka hor intii aanu fanka ku biirin wuxuu ahaa nin farsamo yaqaanimo kaga shaqaysta magaalada Hargaysa. Afarta koone ee magaalada waxa u yaalay durbaan ama def. Galabtii marka uu shaqada ka nasanayo ayuu qaylaad tagi jiray. Hadba meeshii def laga tumayo ama aroos ka jiro ayuu tagi jiray si uu ciyaarahaa la tumanayo qayb uga ahaado. Cali Dheere siduu markii dambena caanka ugu noqday durbaanka ayuu waagaana u jeclaa oo uu u raadsan jiray tumista durbaanka. Nin aad ugu xariif ah oo lagu jecel yahay tumistiisa durbaanka ayuu ahaa. Sanadkii 1950kii ayuu si rasmi ah Cali Dheere ugu soo biiray fanka. Wuxuu ku soo biiray kooxdii Wallaalaha Hargaysa ee aasaaskii fanka masraxa casriga ah ee Soomaalida iyadu lahayd. Inkasta oo uu ka cudur daaran jiray haddana wuxuu ka mid ahaa mulaxinadii kooxda sidoo kalena waa muyuusigiisatayaashii kaalinta wayn kaga jiray dhanka muyuusiga ee kooxda. Mararka qaar wuxuu ahaa heesaa cod wanaagsan oo ku jeesteeya luuqda heesaha. Hadii uu taagan yahay masraxa iyo hadii uu ka balwaynayo/heesayo idaacadaba wuxuu ahaa heesaa aan laga xiiso goyn luuqdiisa farshaxanka maad ah lahaan jiray. Ilaa maantadaa aynu joogno waxaan laga xiiso goyn heeskiisii caanka noqday ee ‘’Nabdeena muudsoo Naa maxaad tidhi’ ama dadka qaar u yaqaan “Kalamaan’’ ee uu ku luuqeeyay Cali Dheere. Heeskan wuxuu qaaday Cali Dheere isagoo mudo dheer heesin. Heeskani waa heesaha Soomaalida ee aan duugoobin. Waxa ay ku jirtay riwaayad ay lixdameedyadii ay Muqdisho hoobaladu geeyeen. Marka uu qaadayo heeskan waxa ay riwaayada ku masalayeen saddex nin oo iin leh oo gabadh wada caaashaqay. Waa nin cawaran mid tuur leh iyo ka kale oo Curyaan ah. Cali Dheere ninka curyaanka ah ayuu matalayay. Ugu dambayntii gabadhii ay saddexda nin wada caashaqeen waxay raacaysaa kii tuurta lahaa oo nin biidd ahaa. halkaas ayuu heeska ka qaadayaa oo uu Cali Dheere ku xodxodanayaa gabadha. Anigu odhan kari maayo heese waa masrax mug weyn oo indhasarcaad iyo ashqaraar miidhan naftaada muquurinaya heeskani. Dhisme ahaan heesku waa hees haasaawe ah oo laxaw ah. Waa sheekoo hagoogan kaftan haasaawe dhable ah oo dhex maraya wiil iyo hablo. Waa isaga iyo labo hablood oo ah Gudoodo iyo Hibo Nuura, gayaankan ku dhex haasaawaya heeskan. Habluhu jiib iyo jawaab xiiso iyo xigmad leh oo haddana xanjeeran hadal is dufaac iyo weerar isugu jira ayay ku leeyihiin oo ugu hal-celinayaan Cali. Waxaan marnaba la hilmaami karin qosolkiisa lagu diirsanayay marna dhagaystaha qudhiisa ka qoslinayay ee uu mararka qaar inta uu hakiyo luuqda heeska uu ku yard hex dararayay. Heeskan oo uu lahaa abwaankii weynaa ee Alle ha u naxariistee Saxardiid Jabiye waa heesaha jiilal farabadan oo ka mid ah dadka Soomaalidu ku caqliyaysteen ama ku barbaareen. Sidoo kale Cali wuxuu ku luuqeeyay codad badan oo ka mid ah soodadka Qaraamka. Waliba kuma uu luuqayn oo qudha e wuxuu u adeegsaday heesahaa sheeko jacayl oo isaga iyo gabadh uu jeclaa dhex martay. Dhanka kalena waaba ay iska yar tahay cod qaraam ah oo aanu tumin ama durbaanka u hayn. Maxamuud Jaamac Diiriye waxa uu ka qayb galay dhanka riwaayadaha ilaa labaatameeye Masraxiyadood oo ahaa kuwo miisaankooda wada lahaa. Waxa aan si gaar ah ugu xusuustaa riwaayadii Cilmi iyo Caado oo uu ku matalayay odayga dhalay wiilka tuurta leh islamarkaana ah mid ka mid ah xerta habarta Arliyo ee faalisada ah. Dhamaantood jilayaasha ugu mudan ayuu ka ahaa riwaaydaha uu ka qaybgalay. Noloshiisa jilaanimo iyo tiisa dhabta ah Cali mararka qaar waa ay iskaa dhexgeli karaan waayo kaftankiisa qosolka miidhan ah ee uga soo burqanaya sida dabiiciga ah ayaad mararka qaar u qaadanaysaa inuu riwaayad jilayo. Kaftanadiisa waxaa ka mid ahaa. Mar la waydiiyay da’adiisa wuxuu ku jawaabayaa inkastoo aanan jeclayn in aan maanta halkan da’adayda ka qirto oo ay halkaa guuldaro wayni iigu jirto waayo hablaha yaryar baanu sheekaysan jirnay oo waadigaa arkayoo waanigaa foshada ‘Food’ leh haddana waxba ma leh, waan dafiri kaasi aniga maaha baan odhan hadhaw hablaha. Mar kale waa markii uu ka sheekaynayay jacaylkii ku dhacay. Waa markii uu jeclaaday gabadh adin la’a. Cali isaganu adin ayuu la’aa oo uu ka dhutiyi jiray. Dabadeed Inantii uu cali caashaqay ayaa waxaa isaguna caashaqay mid meelnaba la’ayn oo laxaad qaba. Markii ay gabadhii isku qabsadeen ayuu Cali Dheere is yidhi u cay ninkan aan meelna ka dhutiyayn gabadha si ay u nacdo. Dabadeed Cali Dheere wuxuu ninkii ka dhigay sidii wax aanu inanta aanu gayin ba maadaama uu ka mdi yahay dadka kuwa cagaha qaba oo ayna isku badladba ahayn. Si uu u nacsiiyo wuxuu ku yidhi Cali gabadhii hadii aad raacdo ninkan cagaha qaba ama ay barrito is yar jiidhaan inuu ku odhan doono wax yahay lugta xun miyaanad ogayn! Laakiin maadaama ay isku lug yihiin Cali inaanu midkoodna midka kale ku odhan doonin adin baad laadahay iyo kan ayuu u sheegay gabadhii. Kadib wuxuu yidhi Cali: “Inanyahay dheere Adinka yara dhufataa Nin aan dhutinayn Hadii aad u dhaxdo Ilayn dhaqankaaga garanmaye Adigaa sharafkaagii Kala dhimay! Mar kale ayuu caashaqay gabadh kale oo luga qabta. Dabadeed cali waxay ku yidhaahdeen waa inantaa yare e quruxda badanoo ma ogolaanayso nin luga la’a ee iska daa Caloow. Kadib Cali wuxuu is yidhi lugahaba inaad iyada darteed u wayday oo aad iyada u lugo beeshay maad u sheegtid. Wuxuu ku heesay isagoo leh balaayoo kale iyo cudur kale igama helin lugaha e waa jacaylkaaga waxa lugaha iga helay: “Anigu waali iyo cuduro ma qabee Cagaha caashaqaagu iga jabeeyay! Ugu dambayn habeen habeenada ka mid ah ayaa Cali Dheere oo ku gudda jira jilida riwaayad oo markaa masraxa saaran ayay gabadh daawadayaasha ka mid ah oo safka hore ee masraxa fadhiday oo malaha magaca Cali Dheere ka batay oo mudo raadinaysay ku tidhi: oo sawdigan gaaban maxaa laguu yidhaa Cali Dheere!? Cali isma uu dhibin bee intuu qoslay ayuu dad weynihii riwaayada daawanayay intuu kala hadlay makarafoonkii ku yidhi: Yaa sheegi kara magacayga? Dabadeed dadweynihii ayaa mar qudha wada qaylyay oo wada yidhi Cali Dheere…Cali Dheere… Cali isagoo qoslaya intuu haddana soo jaleecay gabadhii ayuu ku yidhi ma maqlaysaa yaa run sheegaya ma adiga mise dadwaynahaa faraha badan! Markaasuu ka dhaqaaqay. Maxamuud Jaamac Diiriye (Cali Dheere) waa hoobal door shariif ah ka soo qaatay aasaaskii iyo hirgelintii fanka masraxa casriga ah ee Soomaalida. Taariikh weyn oo ma guuran ah ayuu ku dhex lahaa ilaa waligeedna ku dhex lahaan doonaa dunida masraxa Soomaalida. Durbaankiisii uu sida gaarka ah ugu caan baxay oo looga hadhay boqokana uu ku ahaa, alxanadiisii iyo kaalintii jilaanimo ee Masraxa Soomaalida waa mid ku daabacnaan doonta taariikhda fanka casriga ah ee Soomaalida. Alle ha u naxariistee wuxuu ku geeriyooday magaalada Hargaysa. Sida la ii sheegayna isla Hargaysa ayaa lagu aasay. 

Ilyaas Carte, Hargaysa
 Novermber 20, 2020 
amiircarte@gmail.com

No comments:

Post a Comment