Faylasuufkii Diinta ka Baadiyoobay! W/Q
Ilyaas
Wakhtigan waxaa lagu guulaystay adeegsiga maskaxda
muga way nee dadka, xoriyadda maddaxbaanida dadka, xoriyadda cabirka fikirka
qofka, fiddinta cilmiga, kor u qaadka farsamadda, baaddidoonka aqoonta iyo
waxbarashadda aasaasiga ah, lafagurka doodaha aqoonneed, dhawrida xuquuqda
dadka, tayaynta nidaamka qaanuunka iyo sharciga, suullinta kaligiitaliyaha iyo
abuurista siyaasad ku dhisan rabitaanka waddarta shacbiga ‘’democracy’’,
habaynta ganacsiga iyo dhaqaalaha, dhuuxidda suugaanta iyo farshaxanka,
barashadda gedda kownka iyo aadamaha, abuurista iskaashiga aadamah, baahidda daryeelka
caafimaadka dadka iyo guudahaan gurmadkii laga galay samabixinta noloshii
tawsta iyo tabaalaha badnayd ee ka
jirtay guud ahaan ba dunidan aynu ku noolnahay. Waa arimo dhamaantood si mugleh
wax uga taray qaxarkii iyo qallalaasihii ku lamaannaa nolosha reer bani aadam.
Inkastoo sabankan iftiimintu ’Enlightenment period’’uu
ahaa mid khayr baddan u lahaa dadyowgii xiligaa iyo jiilashii ka dabeeyay ba,
haddanna waxaan shaki ku jirin in uu ahaa xili garashadii iyo aqoontii koobnayd
ee aadamaha la majaro habaabiyay aadamuhunna is bidday awood iyo garasho aanu
sed u lahayn. Reer galbeedka oo kacdoonkan gadhwadeen ka ahaa waxay
mufakarkoodii iyo aqoonyahankoodii ba door mooddeen in aqoontii koobnayd ee ay
daallacdeen ku gudbaan oo ku qariyaan xaqa iyo awoodda rabiga lahaanshaha
kawnkani u dhawrsoonaatay ee ‘’ALLAH’’.
Fakarkoodii iyo curintoodii heerka saraysay halkay uga gurman lahayd dadyowgii aqoon
la’aanta la asqoobay waxay gawrac ugu jiiday oo meesha ka saartay awooddii
rabaaniga ahayd ee kawnkan ka talinaysay. Kas iyo kamma kay doonto ha ahaatee
waxay la yimaadeen afkaar ka hor imanaysa noloshii ay yaqaaneen dadka ku noolaa
aduunku, taas oo ahayd ku noolow nolol cadaysimo ka ah diin.
Waagan waxaa la abayay fikirka manta sii
xoogaysanaya ee ah in diinta iyo nolosha la kala ilaaliyo oo laka lafogeeyo
mararka qaarna la gaadhsiiyo in lagu
doodi karayo in waxa diin loogu yeedhaa dhamaanteed tahay khuraafaad aan wax ka
jirin. In tii hogaanka u qabatay fikirkani waxay ku doodeen in diintu
gaagixinayso maskaxda iyo muruqa dihin ee aadamaha. Sidaa awgeedna in aan nolol
horleh la abuuri Karin, ka hor intaan la goyn dabbarka ay diintu ku xidhay
awoodda curinneed ee maskaxda aadamaha.
Haddaba waxaa is waydiin muddan, diintu ma carqallad
dhab ah oo ku gudban baa awoodda curinta maskaxda aadamaha ama in uu aadamuhu
ku talaabsado horumar uu ka sameeyo hab-nololeedkiisa iyo guud ahaan ba kownkan
uu ku noolyahay? Waxaa suuragal ah in dadka qaar markii ba la soo booddaan
‘’haayoo, carqalad bay ku tahoo, diinta iyo nolosha aadamah ee isbadalka badani
isalam saan qaadi karaan’’. Dadka noocan u hadli karaa waxa ay inta badan
daliil ka dhigtaan wixii ka dabeeyay cahdigii madoobaa ‘’the Dark Age’’, waa
markii dadku ka baadiyoobeen diintee, uu is badal nololeed oo la taaban karo oo
aadamuhu markii hore tahli kari waayay in uu ku talaabsaday oo uu gaadhay,
markii diinta iyo nolosha la kala qaaday ee laga xoroobay kiniisadihii.
Xaqiiqaduse waxa ay tahay in aan diinta iyo noloshu ay yihiin laba shay oo aan
sinnaba u kala maarmi Karin; dadka qaar waxaabay gaadhsiiyaan in diintu dihatay
nolosha wanaagsan.
Wixii ka horeeyay imaashihii nabi Ciise naxariis iyo
nabadgelyo korkiisa ahaatee, dadkii ku noolaa dhulka hadda loo yaqaan Greek ga
iyo hareeraha badda Mediterranean ka waxa ay ahaayeen dad bilaadiin awgeed la
is leeyahay oo ay dadku ahaayeen hanti nin leeyahay oo uu sida uu raba uga
faa’iidaysto. Hadba ninkii awood is bida ayaa arliga ku qooqayay mararka qaarna
ilaahnimo lagu tuhmayay.ma jirin fikir nolol san abuuraya iyo nidaam xukun oo
wakhtigaa wax tar u lahaa dadyowgii uunaa. Iyadoo xaal sidaa u murugsanaa hadda
horusocodka dabiiciga ah ee nolosha aadamuhu waa uu socday; waxa aynu tusaale
ka dhigan karnaa kacdoonkii aqooneed ee Plato iyo Aristotle kii Giriiga oo ka
dab-qaadanayay kuwii ka horeeyay ee
Mosobataamiya ‘’mesopotamia’’ iyo faraaciyiinta ‘’Pharaoh’’. Dadku iyaga
oo ku nool nollol xanaf badan ayaa Nabi Ciise iyo diinta kiristiyaanatigu timid. Kadib markaas ayay dadku haakah
yidhaahdeen oo suunka dabciyeen. Markan waxaa hoos u dhacay aqoonlaantii
dadka,adeegsigii khuraafaadka iyo ashkhaastii (boqoraddii iyo kaligood
taliyayaashii) cabudhinayay fikirka san iyo halabuurkii tolmoonaa ee maskaxda
bani’aadamka .
Markii diinta kiristanku hanaqaaday ee ay arligii ku
fiday waxay sahan u noqotay nollol midi hore
ee diin la’aanta dhaanta. Is-xukun san iyo aqoonsiga awoodaha iyo sharafta aadamaha ayaa heersare gaadhay. Is
adoonsigii iyo cabsidii ay bani’aadanku dhexdooda isku hayeen amase ay ku
hayeen dhirta,xayawaanka, dhulka iyo
guudahaan deegaanka ku gadaaman ayaa hoos u dhacay. Hadaba sidaa waxay ku
hantidday waa diinta kiristanka’e iyo sheekheedii ‘’Pope’’ugu sareeyayba taageero aan xad lahayn iyo kalgacal ay u
qaadeen dadkii waagaasi.
Haddaba u dambayn, iyadoo xaal sidaa yahay oo
noloshii aadamuhu ka soo raynayso ayay wax dhaceen! Wixii dhacay wuxuu ahaa in
dad gaar ah khaasatan culimadii ugu saraysay macbadka diinta kiristanku ay
diintii iyo risaaladii ba la mareen meelo jaan iyo halkuu dookhoodu calmaday. Judhiiba
waxay si aan sax ahayn u raadiyeen awood dhaafsiisan tii ay xaq ahaan u siisay
diintii nabi ciise; u hogaansankii laxaadka lahayd ee bulshooyinkii wakhtigaasi
waxay gayaysiisay in ay nimankii culimadda ka ahaa kiniisaduhu iska dhaadhiciyaan in ay bani’aadamka sharfan
sidii ay doonaan ka yeeli karaan xukun ahaan iyo mabda’a ahaan. Sidookale ay
uga fududahay beer bislaaday kala goyntii in ay hantaan quluubta dadka caadiga
ah iyagoo ugu gabanaya xilka diimeed ee ay hayaan ee ah culimadda kiniisada.
Rafiiq ku sidkan hogaamiyaashii u haraadanaa
xukunka siyaasiga ah ha ahaadeen bortooyooyinkii, imbaraadooriyoyinkii iyo
hogaamiyaashii garmaqaatayaasha ahaa ee kale ayay isu-rogeen oo noqdeen. Kadib iyagoo
u feejigan ilaashiga shakhsiga ah ee awooda xukunka siyaasiga ah ee dadka waxa
ay si toos ah ugu xad-gudbeen nuxurkii diiniga ahaa ee diintii ay rumeeyeen. Iyaga
oo u jeedo siyaasi ah leh ayay si ay u hantaan qulluubta dadka ay culimadda ugu
yihiin diinta, isu-tuseen sidii dad gaar ah oo ka wakiil ah xaga rabiga leh
lahaansha kawnka. Qaarna kuba sikteen in ay sheegtaan awooda rabaaniga ah ee
jirta!Marka ay sidaa isu dhigayaan waxa ay si dadban u raaligalinayeen raga
adeegsanayay ee danahoodu ahaa kaliya ilaashiga awooda xukunka siyaasadda. Way
isku badhxameen hogaamiyihii siyaasadda ee awood-raadiska ahaa iyo sheekhii
kiniisadu.Tani waxa ay keentay in uu macno beelo taageeridii kiiniisada iyo culimadii joogayba; Kadibana uu
abuurmo kala shaki bulshadii iyo kiniisadihii waayo dadku wixii socday kama ay
dhex arkayn danihii ay lahaayeen iyo ujeeddadii saldhiga u ahayd diinta ay qaateen.
Wax kasta oo aan ahayn aragtidda iyo ficilka
kiniisadda waa waxba kama jiraan ayay ku dhiiradeen in ay yidhaahdaan culimadii
markaa awood-doonka ahayd ee kiniisaduhu. Hayeeshee, si ka duwan nuxurka
diintii ciise sidaa ma ahayn; aadamuhu isaga xor u ahaa kasbashadda iyo
manaafacaadsiga cilmiga maadiga ah iyo kan ruuxiga ah ba.aragtiddaa guracan ee
kiniisadu waxa ay si daallacan ah uga
hortimid hal-abuurkii maskaxeeda iyo hawlkarnidamdii dadka.sidaa awgeed, anigu
waxa aan qabaa in nuxurka diinta kiristanka ee wakhtigaasi aanay ka hor iman oo
aanay gaagixin curintii iyo higsigii haboonaa ee bani’aadamka. Lakiin cida sida
tooska ah uga hortimid ee damisay ilayskii aqooneed iyo xadaaradeed ee bani’aadanka
wakhtigaa waxay ahayd ashkhaastii damaca waallanni hogaaminnayay ee ku tashatay in dhamaan inta
awood aduun ee jirtaa ay iyaga xagooda ku gororto oo ku idlaato.Waa taa cidda
sabannadii xigay la iska xoreeyay ee laga adkaaday. Waa waddaadkaa u
xuubsiibtay waliilka munaafaq ah. Tirtirridoodii
ayaa sahan u ahayd hanaqaadka awooddaha maskaxeed iyo muruqeed ee dahsoon ee
bani’aadamka.Marna ma ay ahayn nuxurka diimeed iyo ujeeddada caqiido ee aduunka
alle u soo saaray waxa laga xoroobay ee ku gudbanayd dardarta maskaxeed iyo
muruqeed bani’aadamka si loo hiigsaddo nollol ayotiin wanaagsan oo u qallanta
aadamaha sharfan ee alle abuuray. Waxaa dhab ah in bulshadii waagaa noollayd ay dad magac diimeed sitaa u bahalo geliyeen macaanka ay u leedahay bani'aadamka ku dhaqanka diintu.
Ilyaas,
amiircarte@gmail.com
amiircarte@gmail.com
No comments:
Post a Comment