Monday, January 26, 2015

Qallanjo maxay gashaa? W/Q Ilyaas Cabdi Carte.

Balway yidhaahdeen waana balaysinkii hayaan dheer oo faneed oo si kama ah uga hanaqaaday  caro soomaaliyeed tii u horaysay. Carinta balwadu—hanaan ka  mid ah muusiga soomaalida—ka sokow dareenka ku lamaan nafaha bani’aadamka, waa jibadii ciyaareed ee ayda lala galay iyo dhaanto-xertii jilbaha u laabtay jaandhertii iyo botorkii lala soohsoohnaa. Sida ay aqoonyahano soomaaliyeed oo arimahan sooyaalka fanka soomaalida wax ka  baadhaa aaminsan yihiin iyaduuna waa balwadee waxay xaddanto iyo xoodaamisba u ahayd dhalashadii habkii kale ee isna taabagalka noqoday ee Heelo. Isku darka waddarta labadan kacdoon ee Balwo iyo Heelo waxa ay ibo-fur u noqdeen masrax faneed hanaqaad ah oo soomaali ay yeelato kii u horeeyay.


Waa masrax ku guulaystay tayaynta fanka iyo suugaanta ama in la helo markii u horaysay in wadar soomaali ah ay si isku mid ah u wada yeelan karaan wax-soo-saar faneed oo uu abwaan leeyahay oo lagu tilmaamo dhaxal umadeed. Sidoo kale,wuxuu ahaa masrax furfuray fahankii bulshonimo ee adeegsiga hab-faneedo kala caynad duwan—gabay, buraanbur, hees tuman , riwaayad taxane ah, googoosyo,sheeko-faneed codaysan, masraxiyad aan cod lahayn —si uu halabuurku u hanan karo qalbiyadda dadka islamar ahaantaana fariintiisu meel fog u gaadhi karto.

Masraxii qaniga ahaa ee ka hanaqaaday  jamhuuriyadii guuldaraysatay ee Somaliya dabayaaqadii qarnigii tagay ee labataanaad, wuxuu aahaa mid  si baaxad wayn u muujinayay isbadal nololeed oo bulsho.Waxa si dhumucba leh looga daalacan karayay ilbaxnimadii iyo isbadalkii hab nololeed ee magaalowgu siday ee ku dhacay nolosha bulshadda soomaalida ee xoolo dhaqatadda ahayd. Wuu ka duwanaa siyaabo badan kacdoonadii faneed ee isaga ka horeeyay. Suugaantii saamaynta wayn yeelatay ee wakhtigaa soo maaxatay waxa ay ay noqotay mid cokan waxyaabo aan hore suugaanta soomaalida si wayn looga dhex arki jirin.

Arimo badan oo suugaanta ku cusub ma ay ahayn mid ay si halan u diidi karayeen bulshadii soomaaliyeed ee waagaa noolayd waayo sida ayna marna u jidh diidin hababkii faneed ee markaa ku cusbaa soomaalida sida masraxiyad ku dhisan heeso tuman oo leh muusig si jabsan ay u tumayaan kooxo darban ayayna u diidikarayn waxyaabo badan oo uu adeegsaday fankii masraxa ee soomaalidu. Waxyaabahaa waxaa ka mid ahaa oo la xusi karayaa adeegsiga halabuurka suugaanta adeegsan jiray marka uu curinayo hees, gabay, geeraar amase buraanburba isku amaanka ubaxa, caasimaddaha aduunka gaar ahaan kuwa yurub, saacaddaha la xidho sida saacadda caanka ah ee Citizen iyo wax yaabo la mid ah.

Wax yaabahaasi waxa ay noqdeen kuwo si wayn loo adeegsaday wakhtigaa aadna ay u jeclaayeen dabcan bulshadii soomaalida ahayd ee waagaasi. Ma ay ahayn eed loo xambaarin karayo halabuurkii midhaha suugaanta ee moogan ku hawlannaa curinta ereyaddu laakiinse waxa ay ahayd wax ku soo kordhay nolosha caadiga ah ee bulshadda oo ay dadku u haysteen waagaa sida iida oo kale. Suugaantii gaar ahaan heeshii tunaa ayaa si wayn u adeegsaday isku amaanka ubaxa; habab kala duwan ayaa loo adeegsan jiray isku amaanka ubaxa;mar muuqiisa mar kalanna urtiisa ayaaba amaan galay.  Heesaha aynu xusi karno waxaa ka mid ah  sida heeskii Ubax la moodyoow iyo heekii kale Amaan badanow, sidii ubixii udgoon badanow. Inkasta oo ay dadka suugaan dhaadhiga ah qaar aaminsanyihiin in adeegsiga waxyaabahan aynu sheegnay gaar ahaan wax yaabaha qallaad  iin iyo ceeba ku noqon karaan suugaanta isirka ah ee soomaalida haddana waxa ay noqdeen kuwo ayna ka xishoon adeegsigooda  halabuurkii wakhtigaasi. Sidoo kalena waxaabay ku baaheen qaybaha halabuurka maansadda. Sida maanta ay ereyadda ama midhaha wayda ah ee qaawan ee sida Xabiibidan heeska aad shidaba maanta ku jirta aanay dad badan u diidin ee ay uga helaan ayay u iibgeeyn jireen adeegsiga wax yaabahani wakhtigaa  heesaha la curiyo. Waxa ay ahayd wax ay la dhacsan yihiin bulshadii uu ku dhex noolaa mu’alifka midhah curiya ee soomaaliyeed.

Sikastaba ha ahaatee, wax yaabaha ugubka ku noqday masraxii fanka ee toddobaatanaadkii waxaa ka mid ahaa adeegsiga qallooca ee magaca QALANJO! Si baahsan ayaa loo isticmaalay magacan. Halabuurkii wakhtigaasi wax ay  hormuud ugu noqdeen bulshadii isticmaalka xooga leh ee magaca qalanjo. Heesihii ayaa si xoogan looga wadda dhex arkayay magaca qallanjo.Waxaa amaan tii ugu saraysay looga dhigay hablaha soomaaliyeed ee dhaban iyo quruxba alle siiyay. Masraxii ayaa isna ka marmi waayay adeegsiga magacaa sida ba’an u hanaqaaday wakhtiga; arbaha iyo qallanjadda riwaayadu waa hebel iyo heblaayo ayaa la isla soo taagay tiyaataradii soomaalida ee wakhtigaa. Radio yadda soomaalida ayaa marka ay daadahaynayaan amase sii daynayaan ii dhahda bandhig-faneedadda ama riwayadaha ayay sumad qurxoon ka dhigteen in ay jilaaga koobaad ee dhedig ku suntaddaan magaca Qallanjo. Magacan Qallanjo sii gelbay oo sooba dhaaf masraxyadii iyo meelihii kale ee fanka ka ag dhawaa oo waxaabu noqday mid nollol-maalmeedka caadiga ah ee soomaalida si xoogan ugu fiday.

Bulshadii ayaa iyanna isku amaantay; inanta quruxdeedda,jaaheedda,joogeeda,midabkeeda,dabacsanaanta xubnaha jidhkeeda lala dhaygago ee qurux oo dhan lagu koobo ayay bulshadii ula baxday Qallanjo. Wiilka gabadha uu jeclaado waxa uu amaan uga dhigay markuu quruxdeeda la soo qaado waxaatahay qallanjo. Hooyadda caadiga ah ayaa marka ay ilmaheedda inanta ah amaanayso uma ay noqonayn ilaa ay ku amaanto Qallanjo. Inanta lagu amaano Qallanjo waa ay isbidaysay oo la dhacaysay ku tilmaamidda lagu tilmaamay Qallanjo.Aniga iyo inta ila filka ah ba markii aanu dab ka baydhnay magaaca Qallanjo waxa uu noogu suntanaa soo hadal qaadkiisu sawirashadda gabadh alle qurux u dhameeyay oo aan cuslayn oo gaabnayn, sidoo kalenna caato dhuubnayn oo qorqornaan iyo kala socnaanta hilbaheeda alle qurux u siiyay. Waa sawirka aan sawirto marka aan maqlo magaca Qallanjo.

Dhinaca kale, inanta soomaaliyeed ee qurux lagu tuhmayo ba waxaa loo la baxay Qallanjo; hablihii ugu cadcadaa kooxihii fanka soomaalida ee toddobaatanaadkii waxaa loogu magaca dhigay iyadoo aamaan looga jeedo in lagu naanayso Qallanjo. Hablaha caanka ah oo kaliya kuma uu koobnaan magacani ee sidoo kale bulshadunna inantii ay inuu ku tuhunto qiimaha qurux iyo haybad ba waxay ugu naanays dhigtay Qallanjo. Xaqiiqo ahaan qofka soomaaliyeed hadii uu maqlo magaca Qallanjo durbadiiba sawiradda uu maskaxdiisa ku samaynayaa waa gabadh haybad iyo qurux leh. Ma sawiranayo waxa uu asal ahaan magacan ahaa! Ilaa mantaddaa aynu joogno wali waa amaan hableed halkii ugu saraysay;ma jiro wax iska badalay.

Sida dad looga qaateen ah ay ii sheegeen, suugaantii hore ee qaraamiga ahayd amase suugaantii soomaaliyeed ee ka horaysay helidii xornimadda soomaalida, magaca Qallanjo adeegsigiisu wuu ku ceebaysnaa; amaan ma ahayne wuxuu ahaa wax marmarka qaar la iskuba caayo gaar ahaan dumarka ceeb  ku noqon karayay. Inkasta oo aanay suugaantii hore u adeegsan magacan si la mid ah tan maanta haddanna kolkol si dadban ayay u soo xigatay.marka ay  soo xigatay suugaantaasi in ay gabadh qurux leh ku amaan is tidhaa daayoo, waxa ay u adeegsatay si foolxun oo ceebayn ah. Waakii lahaa Sayidku ‘’Wiyil hadafa aar soo handadi, hiijoqabe reemi. Hardi madax hankoobsiga ciddida, mici haliilaysa. Hurduf geri haraatida lugeed,qalanje heeraaya. Hunnufaa dhurwaa iyo dugaag, so’ u halaaqaaya.  Shabeel horor ah haariban dawaco, haramcad guuxaaya. Dhidir halable halowyaalo weer, haalufada yey ah. Bahal hoose halaq baas intii, had iyo waabaay leh. Haaweyda meertiyo colkiyo, haayirkiyo tuugga…..’’ Waa run ma jiro qallanjo wax ka suurad xun oo ka foolxumo wayn; ka darane iyadoo dhashayna kaba sii daran!

Sida la ii sheegay Qallanjo waa maroodiga tiisa dhedig; labkunna waa arbe. Guudahaan waynu naqaannaa muuqaalka maroodiga. Maaha xayawaanka kuwa lagu sheego ama laga dayi karo qurux. ka daranne maroodiga iyo jeertuuba qurux waa ka cadaysimo.Dhaqanka soomaalidanna inta badan kuma ay jirin in la isku aamaano maroodi.Haa xoog wuu leeyahay waana lagu majeeran karaa midhkaa lakiin in laga dhigto halbeeg quruxeed la cuskado marka qurux la qiimaynayo iilama muuqato manna aha. Dabciga soomaalida ayaa ah in maansadoodu ay adeegsato marka ay amaan noqoto quruxda dabeecadda cimiladda, deegaanka iyo xayawaanka. Caadiyan waxa ay amaanta u cuskan jireen xayawaan qurux la saaxiib ah. Gaarahaan marka ay amaanayaan quruxda hablaha waxa ay u eekaysiin jireen  quruxda Geenyadda, daa’uuska, shimbiraha qaarkood, quruxda geela iyo wixii la mid ah ee qurux leh. May dhicin in ay halabuurka midhuhu dhabanka hablaheena barbar dhigaan wax siloon oo maanka iyo ishuba ka boodayaan;waanna sababta keentay in suugaanta soomaalidu  ku tusi karto xirib badnaanta maansayahanka ama halabuuraha fanka ee soomaalida.

Haddaba sida aynu sheegnay masraxaa iyo guud ahaan suugaantii toddobaatanaadkii waxa ay gadhwadeen ka ahaayeen ku amaanka hablaha ee Qallanjo. Qallanjadunna wax qurx ah oo lagu ogyahay oo lagu masaalo inan qurxdeedda lala dhaygagay ma leh. Ilaa hadda iima cadda sabab allaale sabab loogu maakubay oo loogu masaalay ama loogu eekeeyay foolxumaada maroodiga tiisa dhedig hablaha soomaaliyeed ee quruxda iyo haybad ba alle u dhameeyay. Sideen ugu quudhaa inan qurux alle u dhaliyay markaan tilmaamayo quruxdeedda in aan u maro  maroodiga aynu aragnay muuqaalkiisa.Qallanjo amaan maahee waa cay iyo ceebayn uu si qaldan inooga dhaadhiciyay masraxii soomaalida ee xoogaystay toddobaatanaadkii ee bulshadu aadka ugu xidhnayd. Sawir maskaxeedka ay sida nafsaaniga ah u qaayibeen maskaxaha dadka soomaaliyeed ee Qallanjo  iyo sawirka dhabta ah ee uu yahay waa laba kala haab ah.

Ilaa hadda aniga shakhsiyan iima cadda manaan garan sababta dhabta ah ee halabuurihii waagaasi uu hablaheena ugu amaanay maroodi u eegeey! Way jirtaa kahald ay suugaantu gasho marka ay si toos ah wax iskugu eekaysiiso sida ninkii lahaa ‘’Magaaladayadda geed ku yaalaad, muuqiisa leedahay muxibooy’’  oo toos marka aynu u macnayno sax maaha in midab qof bani’aadam ah aad ku masaasho midabka dhirta.  Waxa aan anigu markaan si kasta u fakaray aan eedda magacaa sida qaldan loo fasirtay aan wax ka saarayaa isbadalkii magaalowga eek u dhacay kuna socda maalinkaa maanta ah nolosha soomaaliga ah.Qallanjo, Waa magac si khaldan loo fasiray oo loo dhaqan-geliyay.ma dhawaaqa magaca ayay tollow wax qurxoon ula eekaaday mise tollow waa u kas? Mid ay tahay ba waa  iin iyo laaxin lagu shuraakoobay oo  suugaanta hodanka ah ee soomaalidu macalin iyo callan-sideba inoogu ahayn. In wax la iska yidhaa oo la saxaana faral ay tahay maanta.

Ilyaas
amiircarte@gmail.com










No comments:

Post a Comment