Thursday, November 26, 2020

Muuse Ismaaciil Qalinle: Hoobal Hoodo ku lahaa Fanka W/Q Ilyaas Carte



Muuse Ismaaciil Qalinle oo dadka badankiisu u yaqaanaan Qalinle waa hoobalada ugu waawayn ee Soomaalida. Waa heesaa hoodo iyo nasiib ku lahaa fanka. Durbadii ba markii uu masraxa fanka soo halabsaday wuxuu noqday hoobal xidig tilmaaman ka noqday masraxa fanka.

Wednesday, November 25, 2020

 XORRIYOOY WAR IGA HOO W/Q Ilyaas Carte



Xorriyo maanta waxaa Saddex sano laga joogaa markii la doortay ama si rasmi ah loo cadeeyay ninka ku gaya ee ku guursaday. Waa maalintii dadkaagu madaxa isu ruxeen ee ay go'aamiyeen in laguu siiyo doobkii xilkaaga u soo geed fadhiistay. Sidaana laguugu dhisay. Isla maalintaa ayaa isna gadhwadeen ka ahaaday nidaamka maanta awoodaada haya. Wuxuu soo socdaba ilaa maanta doobkii dardartiyo wacdarihii laga filayay inuu ku daryeelo xilkaaga lagama helin.

Tuesday, November 24, 2020

Cali Dheere: Nabeeddaana Muudsoo Naa maxaad tidhi! W/Q Ilyaas Carte




Cali mar waa Cali Dheere, markaad la kulantana waa Cali Gaab mar kalena waa Maxamuud Jaamac Diiriye oo dadka in yari u aqoonsan karto amaba u taqaan. Cali wuxuu ku caan baxay magaca Cali Dheere oo ahaa naanays. Sida naanaystiisii uu ku caanamaalay ka muuqata Cali ma ahayn nin dheer. Hayeeshee wuxuuba ahaa muuq ahaan nin gaaban oo jimidh yar oo lugna ka dhitiya. Sidaa daraadeed isma ay lahayn naanaystiisa iyo aragiisu.

Sunday, April 3, 2016

Dabra weerarkii Jacaylka iyo Jirabkii Maxamed Cali Kaariye. W/Q Ilyaas Cabdi Carte.

   Waa Maxamed Cali Kaariye. naftuu u yaabay;waa gurdan-socod; baladda eryannaysaa waa Jacaylkii oo midiyo dhiigleh walhinaya. Waxaabu ku dhawyahay in uu naftiisa sahaydo. Firxadkii Kaariye mar si quus ah ayuu buulkiisa dan mooday oo intuu doc kuududsaday ku dhuuntay. Badbaado iyo caynaano ayuu rabaa; kuye, ‘’hadaanan baalyooy buulkayga kaa gelineey’’

Saturday, March 5, 2016

Digtoor Xasan Al-Turaabi:Mufakar aan lahayn afkaar diimoon.W/Q Ilyaas Cabdi Carte.

Digtoor xasan Cabdulaahi Al Turaabi ma ahayn oo kali aha aqoonyahan;wuxuu ahaa mutacalin caalim ah. wuxuu ka sii ahaa Mufakar climigu ku xasilay oo awood u leh aqoonta rabi ku galladay in uu muquuno ka bixin karo. Waa habeen dhallad tallo iyo aqoon looga aayay. Waa curad mudan in loogu heeso waa geesi oo hooyadii baa nin dhashay! Alle ha ka fogeeyo haydaarta naareede, wuxuu ahaa hanad aqoon-ruug ah oo ka run-sheegay qallinka iyo buuga. Wuxuu ahaa Suufi dhashay sanadii 1932; kuna dhashay magaalada Kassala ee waqooyiga Dalwaynihii Suudaan.

Saturday, February 20, 2016

Aragtidii Cabdi Bawbaw ee hurumarinta hab-dhaca jaanta ee muyuusiga Soomaalida. Qormadii 2aad;W/Q Ilyaas Cabdi Carte.

Inkasta oo rag badan ay dadaaleen oo ay isku dayeen in ay hurumariyaan fanka somalida haddana laaxin wayn iyo dayac aqoon la’aan ah ayaa ku habsaday kaalinta muyuusiga Somalida. Kootarabaanintii guud ahaan fanka Soomaaliga ah ayaa wuxuu sababay in qalladaad wayn uu gallo curintii iyo tumistii muyuusiga somalidu. Wax ay xalin karayeen muu ahayn  C/laahi Qarshe iyo intii la da’da ahayd ee markaa ka ag dhawayd muyuusiga Soomaaliga ah iyo curashadiisiiba.  Sababtu  waxay ahayd  saddex arimood

Saturday, February 13, 2016

Aragtidii Cabdi BawBaw ee hurumarinta hab-dhaca jaanta ee muyuusiga Soomaalida. W/Q Ilyaas Cabdi Carte.

Cabdi Ibraahim Bawbaw waa musician ka mid ah hurmuudka tumista muyuusiga Somalida gaarahaan kan Djibouti. Waa boqorada ugu xariifsan tumista aalada guitar ka ee masraxa somalida. Waa raga tirada yar ee loo aqoonsan yahay in ay guitar ka kaga hadlin karaan sida ay doonaan. Waa fanaaniintii hore ee Djibouti. Cabdi waxaa si gaar ah loogu xasuustaa kacdoonkii muyuusig ee ka dabqaadanayay goddadka jaanta sooca ah ee somalida ee ku xidhmayay noocayada muyuusig ee blues ka iyo country Music ga reer galbeedka. Kacdoonkaa waxaa ka dhashay heesihii caanka noqday ee Caaray iyo Buuraha Jinka! Asal ahaan Cabdi Wuxuu ka mid ahaa dadka tirada yar ee ku xaragooda marka ay taagan yihiin masraxa; muusiga gole-joog ayaa u dheeraa.  Alle ha u naxariisto Cabdi Ibraahin Geedi  ‘’Cabdi Bawbaw’’.