Monday, January 26, 2015

Qallanjo maxay gashaa? W/Q Ilyaas Cabdi Carte.

Balway yidhaahdeen waana balaysinkii hayaan dheer oo faneed oo si kama ah uga hanaqaaday  caro soomaaliyeed tii u horaysay. Carinta balwadu—hanaan ka  mid ah muusiga soomaalida—ka sokow dareenka ku lamaan nafaha bani’aadamka, waa jibadii ciyaareed ee ayda lala galay iyo dhaanto-xertii jilbaha u laabtay jaandhertii iyo botorkii lala soohsoohnaa. Sida ay aqoonyahano soomaaliyeed oo arimahan sooyaalka fanka soomaalida wax ka  baadhaa aaminsan yihiin iyaduuna waa balwadee waxay xaddanto iyo xoodaamisba u ahayd dhalashadii habkii kale ee isna taabagalka noqoday ee Heelo. Isku darka waddarta labadan kacdoon ee Balwo iyo Heelo waxa ay ibo-fur u noqdeen masrax faneed hanaqaad ah oo soomaali ay yeelato kii u horeeyay.

Tuesday, January 6, 2015

Faylasuufkii Diinta ka Baadiyoobay! W/Q Ilyaas


Waa dhab, waxa uu ahaa saban ay qun isu taagtay kartida aadamuhu gaar ahaan tii maskaxeed. Waa xili aqoonta iyo garashada aadamuhu noqdeen minqiyaaska qudha ee lagu cutiyo ama lagu miisaamo qaybaha nolosha xeesha dheer ee aadamaha. Waa amin la garawsaday awood badnida maskaxda aadamaha.isba wuu ogaa Immanuel Kant (mufakarkii ama faylasuufkii reer jarmal)in saban ku ka tilmaaman yahay guyaashii hore markii uu ku hilaadiyay ee uu sanadadaa ku suntaday SABANKII IFTIIMINTA “Enlightenment period”. Haa, deedafayn maayo oo meesha ka saari maayo anigu in caqliga iyo garashaddii aadamaha ee la bilkeeday waagaasi ay saamayn togan oo lama ilaawaanna ku yeelatay guudahaan geedisocodkii nololeed ee aadamaha. Waa arin muujinaysa awood badnaanta maskaxeed ee bani aadamka. Moogan waxaa la xaqiijiyay guul laba dhudood ah—in aadamaha  loo sahamiyo nolol raad qabow iyo in si dhaw wax looga ogaado dhismaha kakan ee aadamaha iyo  kownkan aynu ku noolnahay

Friday, November 22, 2013

Human fingerprint are on the global warming.

                                              
Ilyas A. 
It was a center of the city. That time, I was on the top of a tall building. I directed my eyes to the outside of the building. For a while, I was carefully watching the overview of my surroundings. There was huge number of traffic. Every direction there was vehicles which enormously release their deadly exhaust fumes in the air. Also, the sky was full of smoking; a fogy sky above the city.  The city’s atmosphere was felt blue because of bad climate. Without air conditioned, the climate is boiling. In fact, for me it was hot as hell.

Saturday, October 19, 2013

Guryosamo allahayow! W/Q Ilyaas.


Marbay ahaayeen bulshooyinka caalamku ugaadhsato ku fogaatay ayda oo farsamo ahaan hooseya.cilmiga farsamo ee isbadalay ayaa hadan keenay in ay garwaaqsadaan in ay wax kooban beeran karaan kuwo kale ayaa iyana u arkayay in reer guuraanimada ku tiirsan naqa iyo doogu u khayr dhaanto wax. bulshadii u horaysay ee nagi ama dagan ayaa beero wax soo saar badan markii u horaysay qodatay taas oo ay u saamaxday awoodii farsamo ee wagaas. waxaa iyana sida mawjada u soo butaacday bulshadii caanka noqotay ee loo yaqaan bulshadii warshadaha.

Qaraamka iyo Xasan Cumar Hoori. W/Q Xasan Cumar Hoori

(Muddo nus qarni ah markii ugu horreysay oo ay soo if baxaan midho ku
abtirsada Dugsiga QARAAMIGA)
Qallinkii Xassan Cumar Hoorri